Ururka la baxay Qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday qorshe uu kusoo afjaraayo hawl-galkii saliibiga ahaa ee dalka uu ka waday, kaddib in ka badan soddon sano oo uu ku lug-lahaa dhismaha nidaamka daba-dhilifyada Soomaaliya.
Bayaan la baahiyey fiidnimadii xalay, ayuu Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ku xaqiijiyey in in hawlgalka UN-ka ee Soomaaliya ee UNTMIS uu si rasmi ah u soo afjarmi doono 31-ka Oktoobar 2026.
Go’aankan ayaa daba socda qaraarro uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyey sannadihii 2024 iyo 2025, oo ku saabsanaa in mas’uuliyad dheeraad ah oo la xiriirta arrimaha siyaasadda iyo amniga lagu wareejiyo hay’adaha Villa Soomaaliya.
Hawlgalka UNTMIS oo salka ku hayay kobcinta dimuqraadiyadda ayay Qaramada Midoobey sheegtay in loo wareejiyey hey’adaha Villa Soomaaliya iyo hay’ado kale oo hoos-taga isla UN-ka, waxaanay xustay in tallaabadani ay soo afmeerayso hawl-gallo in ka badan 30 sano ka socday dalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey waxa uu ku qiray bayaankan in soo afjaridda hawl-galkani uu kusoo aadayo xilli weli kooxda Villa Soomaaliya ay wajahayso caqabado waaweyn oo dhinaca amniga ah oo kaga imanaya Al-Shabaab.
Sidoo kale warbaahinta Kenya oo soo afjaridda hawl-galka UN-ka walaac ka muujisay, ayaa sheegtay in tallaabadani ay kusoo beegantay xilli ciidamada Kenya laftarkeedu ay wajahayaan weerarro culus oo kaga imanaya xoogagga Al-Shabaab.
Bayaankan xalay kasoo baxay UN-ka ayaa imanaya iyadoo weli ay socdaan tirakoobka khasaaraha ka dhasahay weerarkii cuslaa ee shalay ilaa xalay jihaadiyiintu ay ka wadeen deggaanka Jameeco, kaas oo si ba’an loogu jebiyey ciidanka dowladda federaalka.
